
Wareysi uu la yeeshay wargeyska Tuttosport ayaa ninka reer Holland waxuu go’aansaday inuusan si qaas ah uga faaloon xiisaha ay u hayaan The Old Lady.
“Juventus waa koox weyn,” ayuu yiri isagoo dhoolacadeynaya. “Laakiin Arsenal waxaan ku heshiinay in aanan ka hadlin mustaqbalkeyga.”
“Waxaan dhihi karaa oo kaliya in dareenkeygu ku jiheysan yahay inaan ku guuleysto tartanka weyn ee Euro 2012 islamarkaana waxaan doonayaa in aan sii wato ka ciyaarideyda Champions League-ga.”
Weeraryahankan ayaa qandaraaskiisa uu kula joogo kooxda reer London waxaa uga harsan oo kaliya hal sano, Juventus ayaana aysan sir u aheyn inay doonayaan weeraryahan sarre xagaaga.
“Waxa xilligan aan rabo inaan diirada saaro waa Koob Yurub. Kadibna waxaa helayaa waqti aan ku xalliyo howlaheyga kale”.
Van Persie, ayaa sidoo kale waxaa lala xiriirinayaa kooxda Manchester City isagoo laba gool ka dhaliyey ciyaartii sabtidi ay xulkiisu 6-0 ugu awood sheegteen Northern Ireland.