
yaabo inuu noqdo ciyaaryahankii ugu danbeeyay eek a taga Milan xagaagan, hadii
uu dalabka saxda ah u yimaado.
28 jirkaan ayaa Rossoneri kaga soo biiray Manchester City 2010kii, waxaana lala
xiriirinayay inuu ku laabanayo xagaagan kooxdiisii hore Santos.
Iyadoo kooxda ay ku dhowdahay inay weyso Zlatan Ibrahimovic, islamarkaana hore u
macsalaameysay Clarence Seedorf iyo Pippo Inzhagi, waxaana la fahamsan tahay
inay diyaar u yihiin inay dhageystaan dalabyada u imaanaya ciyaaryahanka.
Hadii qiimaha saxda ah ay Milan ku heli weyso ciyaaryahanka, waxa uu qeyb ka noqon
doonaa qorshahahooda xilli ciyaareedka soo socda.
15 milyan euro ayaa lagu soo waramayaa in Milan ay ka dhaadhicin karto inay iska
fasaxaan ciyaaryahanka reer Brazil xagaagan.