
Reds ayaa maalintii uu xirmay suuqa kala iibsiga xagaagii heysatay kaliya labo weeraryahan, iyadoo Andy Carroll uu amaah ku aaday West Ham islamarkaana kooxda Anfield ka dhisan ay ku guuldareysatay inay hesho bedelkiisa.
Iyadoo haatan uu Fabio Borini dhaawacmay, Rodgers ayaa heysta kaliya hal ciyaaryahan oo gooldhaliye ah, laakiin waxa uu doonayaa inuu mustaqbalka dhow wax saxo.
“Waxaan wada sheekeysi fiican la lahaa milkiilayaasha, waana ay ka warqabaan halka aan taaganahay koox ahaan xilligan la joogo” ayuu Rodgers u sheegay suxufiyiinta.
“Hadii aan heli karno 11keena noogu fiican inay garoonka soo wada galaan, markaas waxaan u dhiganaa koox kasta oo horyaalka ah”
Liverpool ayaa haatan ku jirta kaalinta 14aad ee Premier League, iyagoo 6 dhibcood ka helay 7 kulan oo ay ciyaareen.