
Xiddigii ka muuqday koobkii adduunka ee 1990kii ayaa 60 jirsaday 20kii bishii May, lakiin xaflada dabaaldega dhalashadiisa waxa ay dhici doontaa berrito 29ka June, waxaana ciyaaryahanka ku guuleystay seddexda jeer abaalmarinta Ballon d’Or uu ka mid yahay raga sida qaaska ah loogu casuumay.
“Waxaan ku casuunay xaflada Lionel Messi waana uu aqbalay, haatan aan aragno hadii waqtiga uu u saamaxayo inuu u soo safri karo Cameroon. Kalsooni ayaan ku qabaa inuu imaan doono” ayuu Milla u sheegay suxufiyiinta.
“Waxa uu soo qaadan doonaa diyaarad qaas ah, anaga ayuuna inala caweyn doonaa. Dadka reer Cameroon waa ay ku farxi doonaan inay halkaan ku arkaan Messi” ayuu yiri.
Martida kale ee la casuumay waxaa ka mid ah Samuel Eto’o, Abedi Pele iyo George Weah.