
Romelu Lukaku ayaa Chelsea ay kula soo wareegtay 18 milyan ginni xagaagii lasoo dhaafay, balse AVB ayaa u sheegay inusan qeyb ka aheyn qorshihiisa Champions League-ga, taasoo ciyaaryahanka u diiday inuu qaato bilad.
Ciyaaryahankii hore ee Anderlecht ayaana u muuqday mid aan looga baahneyn kooxda markii uu hogaanka u haayey ninka reer Portugal Andre Villas-Boas.
Lukaku oo careysan ayaa yiri sida ay qortay The Sun; “Waxaa jira hal qof aan waligey ka cafin doonin wixii uu igu sameeyay, waana tababarihii hore”
“Kaliya intaas ma ahan. Sidoo kale qaabka uu iila hadli jiray iyo sida uu iila dhaqmayay”
“Bilowgii waxa ay aheyd wax qariib ah. Ma aanan fahmi karin qaabka uu iila dhaqmayo, mana ka helin wax sharaxaad ah”
“Marka tababarka la joogo waxa uu iga ciyaarsiin jiray garabka midig ama bidix. Ciyaaraha tababaraha waxaan ku soo geli jiray bedel ahaan. Xaqiiqdii wax aan ka bartay ma jiraan”.
“Kooxda xitaa waan u sheegay. Waan fahamsanahay inuu cadaadis ku hoos jiray, lakiin waxaan sidoo kale ka fekerayay shaqsiyadeyda. Horumar ayaana sameeyay bilihii ugu danbeeyay”.