
Xiddiga kooxda Real Madrid ayaa amaanay xulka difaacanaya koobka Euro, isagoo qaba inay leeyihiin tayada ay kaga soo kabsadaan xiddigaha ka maqan, ka hor inta uusan hadalkiisa raacin in Vincente del Bosque uu la soo shirtagi karo labo xul oo garoonka soo gasha oo u tartami karta koobka. “Hadii aan heysan lahaa shandad ay lacag ka buuxdo, waxaana sharad ku geli lahaa in Portugal ama Spain ay qaadeyso Euro 2012. Rajo weyn ayaan ka qabaa fursadaheena, lakiin ka dib Portugal waxaan dooran lahaa Spain” ayuu yiri Ronaldo sida ay qortay Marca.
“Spain iyaga ayaa ugu cadcad inay ku guuleystaan Euro 2012. Waxa ay ka mid yihiin kooxaha ugu awooda badan ee fursada weyn u heysta inay final gaaraan”.
“[Carles] Puyol iyo [David] Villa si aad ah ayaa loo tabi doonaa lakiin kuwa kale ayaa buuxin doona booskooda oo shaqo fiican qaban doono sababtoo ah Spain waxa ay heystaa ciyaartoy aad u awood badan. [Vicente] del Bosque waxa uu garoonka la soo geli karaa labo xul oo koobka u tartami kara”.