
Real Madrid oo dhaawacyo ay hareeyeen ayaa hogaanka ciyaarta qabatay daqiiqadii 11aad ee ciyaarta ka dib markii xiddiga reer Argentina uu kubad daabamariyay goolhayaha Celta Vigo Sergio.
Goolkaas ayaa ahaa goolkii afaraad ee uu Higuain xilli ciyaareedkan ka dhaliyay La Liga, waana goolkiisii shanaad ee xilli ciyaareedkan ee tartamada oo dhan.
Madrid ayaa koontaroolka ciyaarta heysay, inkastoo Celta Vigo ay mararka qaar kubada la qeybsaneysay, Real ayaana u soo dhawaatay inay hogaanka ciyaarta sii dheereysato ka dib markii daqiiqadii 38aad uu Modric kubad u dhigay Ronaldo kaasoo isna darbo xoogan birta ku dhuftay.
Qeybtii hore ee ciyaartii Santiago Bernabeu ayaa lagu kala nastay gool iyo waxba oo ay hogaanka ku heysay kooxda difaacaneysa horyaalka ee Los Blancos.
Real Madrid ayaana hogaanka dheereysatay ka dib markii Cabral uu diilinta ganaaxeeda qalad kula galay Ozil, waxaana uu garsooraha tilmaamay inay tahay rigoore.
Cristiano Ronaldo ayaa u soo joogsaday rigoorada, waxaana uu kubad joog hose oo dhanka bidix oo shabaqa ah ka geliyay goolhaye Sergio oo aan wax fursad ah helin.
Goolkaas ayaa ah goolkii sagaalaad ee horyaalka ee xilli ciyaareedkan uu Ronaldo dhaliyo, waana goolkii sagaalaad ee uu dhaliyay afartii kulan ee ugu danbeysay ee tartamada oo dhan.
Guusha ay gaartay Real Madrid ayaa waxa ka caawineysaa inay soo galaan kaalinta 4aad iyagoo leh 14 dhibcood, waxaana ay shan dhibcood u jiraan Barcelona oo hogaanka heysa oo kulan u harsan yahay islamarkaana caawa la ciyaareyso kooxda Deportivo La Coruna.