
Barcelona Lionel Messi inuu yahay ciyaaryaahanka ugu fiican adduunka.
35 jirkaan ayaa la soo ciyaaray Barcelona iyo Real Madrid, inkastoo uu qirto inuu
yahay taageere Madrid, hadana waxa uu sheegay inuu iska indhotiri karin xiddiga
reer Argentina.
“Waxaan ahay taageere Real Madrid” ayuu u sheegay Marca.
“Laakiin muran kama taagna in Messi uu yahay laacibka ugu fiican adduunka”.
Ninka reer Brazil ayaa sidoo kale amaanay qaabka kubadeed ee xulka Spain ee ciyaarahii
Euro 2012, waxaana uu amaanay qaabka tababarihiisii hore Vincente del Bosque uu
u isticmaalay No 9 been ah.
“Kubada cagta waa ay isbedeleysaa. Waxaan qabaa in Spain ay qabatay shaqo fiican iyadoo
aan heysan No 9 sax ah. Aad ayaan u aqaanaa Del Bosque. Waxa uu tababare iigu
ahaa Real Madrid, waxaana uu mar walba i ciyaarsiin jiray No 9 sax ah”.