
Ciyaaryahankii hore ee Manchester United ayaa goolkiisii ugu horeeyay ee uu ka dhaliyo koob weyn waxa ay aheyd 2004tii ka dib markii isagoo bedel uu ku soo galay kulankii Portugal ay guuldarro 2-1 ka soo gaartay Greece Euro 2004.
Ronaldo ayaa sidoo kale shabaqa soo taabtay labo sanno ka dib, markii uu gool ka dhaliyay Iran wareega Group-yada ee koobkii adduunka ee 2006dii lagu qabtay Jarmalka.
27 jirkaan ayaa sidoo kale goolal ka dhaliyay Euro 2008 iyo koobkii adduunka 2010, waxaana uu ku jiray qaab ciyaareed wanaagsan xilli ciyaareedkii dhamaadayisagoo Real Madrid u dhaliyay 60 gool 55 kulan oo uu u saftay.
Sidaasi oo ay tahayna waxa uu xiddigan sugay ilaa iyo kulankii ugu danbeeyay ee Group-yada Euro 2012, iyadoo labadiisa gool ay noqdeen goolashii Portugal u soo saaray wareega 8da Euro 2012.