
Roberto Mancini ayaa uga mahadceliyay Joe Hart inuu sii nooleeyay rajadii Champions League ee Manchester City.
Hart ayaa fursado badan oo qatar ah ka badbaadiyay Dortmund ka hor inta uusan rigoore uu muran ku jiro ciyaarta ku barbareyn Mario Balotelli, taas ayaana keentay in Wayne Rooney uu ku amaano Twitter goolhaye Joe Hart.
Rooney ayaa Twitter ku qoray: “Waa inaan dhahaa Joe Hart waxa uu ahaa mid aan caadi aheyn. Aniga ahaan waa goolhayaha ugu fiican adduunka.”
Mancini ayaa isna u mahadceliyay Joe Hart shaqadii wacneyd ee uu qabtay.
“Joe Hart ayaa naga badbaadiyay guuldarro cajiib ah” ayuu yiri tababaraha City.
“Waxa uu badbaadiyay wax walba sidaasi darteed waan inaan u mahadceliyaa.
“Waxa uu soo bandhigay qaab ciyaareed fantastik ah. Ma aqaano inay tahay qaab ciyaareedkii ugu wanaagsanaa abid ee taariikhda kubada cagta, lakiin shaqo aad u fiican ayuu qabtay.”