
Ka dib markii uu labo kulan ganaax ku seegay, Hodgson ayaa xaqiijiyay in xiddiga Manchester United uu ku soo bilaaban doono kulanka ugu danbeeya group-ka ee Three Lions ay caawa la ciyaarayaan Ukraine.
Hodgson ayaa aaminsan in Rooney uu saameyn weyn ku yeelan doono Euro 2012, islamarkaana uu noqon karo sida Pele uu wadankiisa ugu hogaamiyay tartamada waa weyn.
“Hadii aad dib fiiriso taariikhda, hadii aad tusaale u soo qaadato Pele, waxa uu awooday inuu soo saaro kubadiisa ugu fiican marka loo baahan yahay oo Brazil ay ku guuleysaneyso koob adduun” ayuu yiri Hodgson.
“Aan rajeyno in Wayne Rooney uu bilaabo inuu sidaasi anaga noo sameeyo, markaas hadii aan guuleysano, yaa og?”
“Hadii Wayne uu soo bandhigo kubadiisa ugu fiican, waxa uu inaga caawin karaa inaan hore u sii socono”.