
Ciyaaryahanka reer France ayaa lagu eedeeyay inuu yahay calooshiis u shaqeyste ka dib markii uu diiday inuu heshiiska u kordhiyo Arsenal islamarkaana 24 milyan ginni ugu biiray City xagaagii hore.
24 jirkaan ayaa haatan dareensan inay soo baxday sababtii uu City ugu biiray madaama uu la qaaday horyaal, waxaana uu u sheegay taageerayaasha Arsenal inay u dabaaldegaan kaalintooda seddexaad halka uu isaga diirada ka saari doono inuu ku guuleysto horyaalo.
“Dadka jooga Arsenal waxa ay isku dayeen inay iga dhigaan inaan halkaan u imid lacag” ayuu Nasri u sheegay TV-ga Faransiiska ee TF1. “Waxaan rajeynayaa haatan inay i daawanayaan anigoo qaadanaya biladeyda horyaalka aan ku guuleystay” “Waxaan rumeysanahay inaysan wax koob ah ku guuleysan xilli ciyaareedyo badan”
“Hadii waxa aan xiiseynayay ay aheyd lacagta, go’aankeyga ugu sahlan waxa uu noqon lahaa inaan iska joogo Arsenal oo aan lacag iska qaato isbuuc kasta anigoo kooxda iska dhex socda”
“Waxaa jira dad badan oo haatan sidaasi sameynaya oo Arsenal jooga”
“Waxaan sameeyay go’aan adag oo aan halkaan ku imid islamarkaana aan ugu dagaalamay booskeyga koox weyn, oo ah koox aan ogolaaneynin inay noqdaan koox laga fiican yahay, taasna waan cadeeyay”
“Waxaan haatan rajeynayaa in taageerayaasha Arsenal ay noloashooda iska wataan oo ay iska key ilaawaan, waa inay u dabaaldegaan kaalintooda seddexaad, anigana waxaana diirada saari doonaa inaan horyaalo ku guuleysto”.