
Ciyaaryahankan 27jirka ah kana ciyaara qadka dhexe ayaa ku gudbay baaris caafimaad ee uu u maray kooxda Arsenal isagoo oggolaaday heshiis afar sano oo la joogi doono Arsenal.
Cazorla ayaa la sheegay in uu mushaar ahaan u qaadan doono lacag dhan £70,000 toddobaadkii.
Kooxda Gunners ayaa siin doonta Malaga lacag dhan £16m marka ugu horeysa iyado ointa kalana ay qeybqeyb u bixineyso.
Inkastoo uu soo booqday garoonka Arsenal iyo qalabka yaalba ayaa hadana aan weli si rasmi ah loogu dhowaaqin ku biirista Cazorla kooxda Arsenal.
Sharciyo dhinaca maaliyada ah oo weli aysan iska xallin kooxda Malaga ayaa weli hortaagan in si rasmi ah loogu dhowaaqo ku biirista Cazorla ee kooxda ka dhisan magaalada London.