
Waxaa lagu soo waramayay in isku daygii Sir Alex Ferguson uu isku dayay inuu lacag rikoor u ah kooxda uu ku dalbato 20 jirkaan weerarka ka ciyaara.
Manchester City, Real Madrid, Barcelona iyo Chelsea ayaa dhamaantood lala xiriirinayay ciyaaryahanka reer Samba, lakiin Neymar ayaa la ogsoon yahay inuu doonayo inuu dalkiisa ku negaado ilaa koobka adduunka ee 2014, iyadoo dalkiisa Brazil uu martigelin doono.
United oo seegtay Neymar saaxiibkiisa Lucas Moura xagaagii oo ka doortay Paris Saint-Germain ayaa lagu soo waramayay inay doonayaan Neymar, lakiin sida madaxda Santos ay sheegeen maba jirinba dalab iyo xiiseyn ka timid Mancheste United oo ciyaaryahanka ku aadan.
“Kama warqabo meesha warkaas uu ka yimid, lakiin run ma ahan” ayuu agaasimaha kubada cagta Santos Felipe Faro u sheegay Globo Esporte markii wax laga weydiiyay inay dalab 38 milyan ginni ah ka heleen Manchester United.
Aabaha dhalay Neymar ayaa isna raaciyay:
“Labo sanno ka hor ayaa la lahaa Neymar waa la iibiyay… lakiin weli halkaan ayaan joognaa.”