
Horyaalka ayaa la sugayaa kulankiisii sedaxaad ee is araga kooxaha iyadoo Garoonka Jaamacadaha ee magaalada Mogdishu uu hooy u noqday kumanaan taageerayaal ah oo u soo daawasho taga.
Waxaana ilaa iyo haatan la xaqiijinayaa awooda ay koox waliba u leedahay inay u tartanto Horyaalka oo natiijo furan ciyaar kasta ka imaaneyso.
Goolal badan ayey iska dhaliyaan kooxuhu inta badan,iyadoo ciyaaro xamaasadeysan ay soo maraan maalin waliba taageerayaasha oo ka maqsuuday ayaana inta badan garoonka kasoo taga.
Si kastaba kooxda Elman ayaa farqiga goolasha ku heysa hogaanka Horyaalka 37aad ee dalkeena Somaaliya waxayna ay leedahay 4 dhibcood, waxaana ay dhibcahaas wadaagaan kooxaha kaalinta labaad iyo sedaax ee Dekedaha iyo Heegan oo iyaguna leh min afar dhibcood.
Kaalinta afaraad waxaa ku jira kooxda Sahafi FC oo 2 dhibcood leh waxayna dhibcaha iskala egyihiin kooxaha kaalimaha shanaad iyo lixaad ee Horseed iyo L.L.P.P Jeenyo.
BS Club iyo Badbaado ayaa ah labada kooxood ee ugu hooseeya horyaalka Kooxda BS Club ayaana leh Hal dhibic oo kaliya halka aysan dhibicna shaqesan weli kooxda Badbaado.