
Maanta waxaan soo qaadan doonaa wararkii ugu waa weyn ee ay ka qoreen suuqa kala iibsiga:
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee France iyo Rennes Yann M’Villa aoo 21 jir ah ayaa qirtay inuu xiiseynayo inuu u dhaqaaqo Arsenal, iyadoo tababaraha Gunners uu doonayo inuu goor hore ka soo adeegto suuqa kala iibsiga ciyaartoyda qaarada Yurub. Sidaasi waxaa qortay talkSPORT.
Luka Modric ayaa ku dhow inuu u dhaqaaqo Spain, iyadoo Real Madrid ay aad ugu baahan tahay inay la soo wareegto 26 jirka khadka dhexe ee Tottenham. Sidaasi waxaa qortay Daily Mail. Barcelona ayaa xiiseyneysa inay u dhaqaaqdo Modric saaxiibkiisa ay isku wadanka iyo kooxba yihiin, 26 jirka daafaca ka ciyaara Vedran Corluka. Sidaasi waxaa qortay Footy Latest.
West Ham ayaa dooneysa inay qiimo fiican ku hesho xiddiga da’da yar ee Real Madrid Joselu, lakiin waxaa heshiiska ku jirta in Real Madrid ay qiimo jaban dib ugu iibsan karto 22 jirkaas oo sidoo kale uu xiiseynayo tababaraha Arsenal Arsene Wenger. Sidaasi waxaa qortay Daily Mirror.
Liverpool ayaa xiiseyneysa daafaca kooxda Schalke iyo Germany Benedikt Howedes, waxaana 24 jirkaasi uu diirada u saaran yahay tababare Brendan Rodgers oo ka walaacsan xaalada daafaca dhexe ee Liverpool. Sidaasi waxaa qortay Caught Offside.
Wakiilka daafaca Ajax Jan Vertonghen ayaa sheegay in ciyaaryahanka uu wakiilka u yahay ee 25 jirka ah inuu weli u dhaqaaqayo Tottenham, inkastoo la ceyriyay tababare Harry Redknapp. Sidaasi waxaa qortay Metro.
Swansea ayaa dooneysa inay iibsato weeraryahanka reer Sweden Markus Rosenberg oo 29 jir ah, kaasoo xor noqonaya ka dib shan sanno oo uu la joogay Werder Bremen. Sidaasi waxaa qortay Daily Mail.
FG: Barnaamijkeenii wargeysyada Yurub iyo Suuqa Kala Iibsiga ciyaartoyda waxa uu bilaaban doonaa marka uu si rasmi ah suuqa kala iibsiga u furmo 1da bisha July.