
Maanta waxaan soo qaadan doonaa wararkii ugu waa weyn ee ay ka qoreen suuqa kala iibsiga:
Manchester United iyo Manchester City ayaa qarka u saaran inay waayaan ciyaaryahanka kooxda Athletic Bilbao Javi Martinez oo 23 jir ah wuxuuna ku dhow yahay inuu ku biiro kooxda reer Jarmal ee Bayern Munich sida ay qoreyso Talksport.
Luka Modric ayaa doonaya inuu ka tago kooxda Tottenham waxaana wakiiladiisu ay u sheegi doonaan gudoomiyaha Spurs Daniel Levy isbuuca soo socda. Manchester United, Real Madrid iyo Paris St-Germain ayaa lala xiriirinayaa ciyaaryahanka qadka dhexe uga ciyaara xulka Croatia sida ay qortay Daily Mirror.
Manchester United ayaa kor u qaaday xiisaha ay u qabaan daafaca garabka uga ciyaara PSV Eindhoven Jetro Willems oo 18 jir ah ka dib markii ay sahansadeen ninka difaaca Dambe ka ciyaara intii uu kala qeyb gelaayey xulka Netherlands koobka Qaramada Yurub sida ay qoreyso Metro.
Chelsea, Tottenham iyo Liverpool ayaa halgan ugu jira inay helaan weeraryahanka kooxda Malaga iyo xulka Venezuela Salomon Rondon oo 22 jir ah sida ay qortay Daily Star�
Everton ayaa isha ku heysa weeraryahanka kooxda Inter Milan Luc Castaignos. Ninka reer Holland ayaana Lix kulan u saftay kooxda ku ciyaarta San Siro tan iyo markii uu kasoo tegay kooxda Feyenoord 2011kii sida ay qoreyso Talksport .
Macalinka cusub ee kooxda Swansea City Michael Laudrup ayaa doonaya inuu iibkiisii ugu horeeyey ka dhigto xidiga xulka Denmark Michael Krohn-Dehli oo 29 jir ah una ciyaara kooxda Brondby sida ay qortay The sun .
Manchester City ayaa diyaar u ah inay balaariso qorshaheeda ay ku doonayaan kabtanka kooxda Arsenal Robin van Persie ka dib ka haritaankii goor hore ee Euro 2012 waxay doonayaan inay si rasmi ah u dalbadaan sida ay qoreyso The Telegraph.
Difaaca kooxda Liverpool Martin Skrtel oo 27 jir ah ayaa iska diidi doona xiisaha uga imaanaya Manchester City ka dib markii uu balanqaad ka helay macalinka cusub ee Reds Brendan Rodgers, kaasoo u balanqaaday in Liverpool ay gaarsiin doonto hamiga uu leeyahay sida ay qortay Liverpool Echo.
Ciyaaryahanka qadka dhexe uga ciyaara kooxda AS Rome Daniele De Rossi oo 28 jir ah oo ay diiradu u saarneyd kooxda Manchester City ayaa qiray inay soo jiidatay kubada cagta ee laga ciyaaro Ingiriiska sida ay qoreyso Manchester Evening News
Macalinka kooxda Stoke City Tony Pulis ayaa tixgelinaaya inuu soo dhaqaajiyo ciyaaryahanka garabka uga ciyaara kooxda Wolves Matt Jarvis sida ay qortay Stoke Sentinel.
FG: Barnaamijkeenii wargeysyada Yurub iyo Suuqa Kala Iibsiga ciyaartoyda waxa uu bilaaban doonaa marka uu si rasmi ah suuqa kala iibsiga u furmo 1da bisha July.