
Maanta waxaan soo qaadan doonaa wararkii ugu waa weyn ee ay ka qoreen suuqa kala iibsiga:
Man City ayaa ka fiirasneysa wax ku saabsan saxiixa ciyaaryahanka Napoli Edinson Cavani oo 25 jir ah iyo weeraryahanka Atletico Madrid Radamel Falcao oo 26 jir ah sida ay qortay The Metro.
Everton iyo West Brom ayaa isha ku haaya dhibaatada weyn ee ka dhex taagan kooxda Rangers iyagoona doonaya inay kasoo dhaqaajiyaan labada nin ee u dhalatay Scotland Steven Naismith, oo 25 jir ah iyo Steven Whittaker oo 28 jir ah ka dib markii labada ciyaaryahan ay dideen inay qandaraaska u dheereeyaan kooxda sida ay qoreyso Daily Mail.
Blackburn ayaa qorsheyneysa inay laba ciyaaryahan kasoo dhaqaajiyaan ST James Park waxaana diirada u saaran Dan Gosling oo 22 jir ah iyo Leon Best oo 25 jir ah Steve Kean ayaana liiskiisa uu doonayo safka hore uga daray labada ciyaaryahan ee kooxda Newcastle sida ay qortay Daily Mail.
Arsene Wenger ayaa shaaciyay inuu xiiseynayo weeraryahanka Jarmalka Marco Reus. Tababaraha Arsenal ayaa amaanay Reus oo 23 jir isagoo TV-ga France ka falanqeynaya ciyaartii Germany iyo Greece sida ay qoreyso Daily Star.
Barcelona ayaa dooneysa inay Sky Blue ka afduubato ciyaaryahanka da’da yar Joan Angel Roman . Angel Roman 00 19 jir ah ayaa sedax sano ka hor City uga soo biiray kooxda Espanyol laakiin laguma abaalmarin inuu ka helo boos joogto ah sida ay qortay The Mirror
Cardiff ayaa dooneysa inay dib usoo ceshtaan Craig Bellamy. Maalqabeenada reer Malaysia ayaana isha ku haaya 32 jirkaan si ay dagaal ugu galaan horyaalka xilli ciyaareedka soo socda sida ay qoreyso The Sun.
West Brom iyo Newcastle ayaa amaah ku raba ciyaaryahanka difaaca garabka bidix uga ciyaara kooxda Tottenham Danny Rose oo 21 jir ah, Spurs ayaa sidoo kale laga yaabaa inay lumiyaan difaaca reer Croatia Vedran Corluka sida ay qortay Daily Mail.
Intaas ayaa ugu waa weyn wararka suuqa kala iibsiga ku aadan ee ay qoreen saxaafada Ingariiska, 1da bisha July waxaan bilaabi doonaa barnaamijkeenii Wargeysyada Yurub iyo Suuqa Kala Iibsiga oo aan maalin walba kaga hadli doono wararkii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga ee Ingariiska, Talyaaniga, Spain iyo Jarmalka.