
Schweinsteiger ayaa haatan raaligelin ka bixiyay dhacdadaas, waxaana uu sheegay inuusan u sameynin si u la kac ah ka dib guuldaradii Chelsea ka soo gaartay.
“Si qaldan ayaa la ii fahmay” ayuu Schweinsteiger u sheegay website-ka Bayern Munich.
“Qof walba oo kabaheyga gashta islamarkaana fiiriya sawirka waxa uu arki karaa inaan murugeysanahay, islamarkaana aanan ka warqabin waxa agteyda ka socda”
“Waan niyad jabsanaa, waxaan ahaa sidii qof aan miir laheyn. Ma aanan arkin gacanta madaxweynaha”
“Waan ka xumahay inaan xilligaas abuuro jawi qaldan. Waxaan jeclaan lahaa inaan raaligeliyo madaxweynaha”.