
Seedorf ayaa waxa uu ku biiray ciyaartoy ay ku jiraan Gennaro Gattuso, Alessandro Nesta iyo Filippo Inzaghi oo dhammantood xaqiijiyay inay ka tegayaan Milan oo ay muddo dheer u soo cayaarayeen.
Cayaaryahanka kama aanu hadlin halka uu ku wajahan yahay, balse waxaa lala xiriirinayaa kooxo ka dhisan dalka Brazil.
Seedorf ayaa Milan kaga soo biiray kooxda Inter sanadkii 2002-dii, waxaana tan iyo xilligaa uu la hantay laba koob oo horyaalka Talyaaniga ah, Laba koob oo Champions League ah, hal Coppa Italia ah, iyo koobka kooxaha adduunka.