
Ivory Coast ayaa ciyaarta ku hogaamineysay 2-0, waxaana labada lug ay ku badinayeen 6-2, waxaana taageerayaasha martida loo ahaa ee xulka Senegal ay bilaabeen inay dhagxaan iyo wixii ay heli karaan garoonka ku soo tuuraan, ka hor inta uusan garsooraha ciyaarta joojin daqiiqadii 74aad, islamarkaana ciyaartoyda ay garoonka kaga baxeen gacan ganbad.
Xiriirka kubada cagta Afrika CAF ayaa natiijadii 2-0 ka dhigay natiijada kama danbeysta ee ciyaarta, laakiin ganaaxa xulka Senegal la dulsaari doono kaliya halkaan kuma hakad doonto.
Waxaana go’aankaas uu la micno yahay in Ivory Coast ay xulalka darajada koowaad kula biiri doonta South Africa, Zambia iyo Ghana.
Xulalka darajada labaad waxaa ku jira Mali, Tunisia, Angola iyo Nigeria halka Algeria, Burkina Faso, Morocco iyo Niger ay ku jiraan xulalka darajada seddexaad.
Ethiopia, oo gaartay kama danbeysta koobka qaramada Afrika markii ugu horeysay muddo 31 sanno ah, ayaa xulalka darajada afaraad waxa ay kula jirtaa Togo, Cape Verde iyo DR Congo.
Isku aadka wareega group-yada ayaa waxaa la qaban doonaa 24ka bishaan October, waxaana group kasta uu ka koobnaan doonaan min hal xul oo afarta darajo ah.
Ciyaaraha qaramada Afrika oo ay martigelineyso South Africa ayaa waxa uu bilaaban doonaa bisha Janaayo, waxaana ay socon doonaan muddo seddex isbuuc ah.