
76 jirkaan oo inta badan abuuro hadalo muran badan keena ayaa warkaan ku sheegay wareysi uu siiyay wargeyska Marca, mana uusan qarsan jaceylka uu u qabo xulka La Roja yo xiddigaheeda.
“Aad ayaan u jeclahay ciyaartoyda Isbaanishka. Waxaan qabaa in ciyaaryahan Spanish ah loo xusho abaalmarinta ka dib wixii ay qabsadeen sannadkan. Lakiin anaga wax saameyn ah kuma lihin doorashada laacib sannadka” ayuu ku sharxay Blatter fekerkiisa.
Waxaa la filayaa in ciyaaryahan Isbaanish ah, Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo inay isagu soo hari doonaan tartanka ugu danbeeya, inkastoo aanba weli lagu dhawaaqin.
Waxaa abaalmarinta heysta haatan oo ku guuleystay sannadkii hore xiddiga Barcelona Lionel Messi.