
Weeraryahanka Manchester City ayaa aaminsan in ciyaaryahanada Ingariiska ah hadii ay istuuraan in inta badan loo dhigayo rigoore halka kuwa ajnabiga hadii xitaa rigoore sax ah lagu galo lagu eedeeyo inay istuureen.
“Waxaan ciyaarnaa kubadeena, shaqada garsoorahana waa inuu ogaadaa cida qiyaaneysa iyo cida kale” ayuu yiri Aguero.
“Ilgooni ah ayaa lagu eegaa ciyaartoyda wadankaan. England waxaa jooga ciyaartoyda ajnabi ah oo u badan sida kuwa dalka u dhashay, wax sax ahna ma ahna in kuwana loo gargaaro halka kuwa kalena laga soo horjeesto.”
“Hadii ay eexasho sameeyaan, cidna uma fiicna”.
Aguero ayaa ka hadlay arintaan ka dib markii saaxiibadiisa Carlos Tevez iyo Pablo Zabaleta laga diiday rigoorooyin uu ka beeniyay garsoore Mark Halsey kulankii ay 2-1 kaga badiyeen Fulham, halka rigoore muran badan uu ku jiro loo dhigay John Arne Riise kaasoo si sahlan dhulka ugu dhacay.
Aguero ayaa intaas ku daray: “Waxaan isku dayaa inaanan lug ku yeelan arimaha garsoorka. Mar walba qalad ayaa jiraya koox walba, rigooradii uu naga dhigay kulankii Fulham-na qalad ayay aheyd.”
Arintaan ayaa sidoo kale ku soo beegmeysa xilli rigoore laga diiday kulamadii u danbeysay xiddiga Liverpool Luis Suarez, halka Fernando Torres isna laga beeniyay rigoore uu ku dooday kulankii Arsenal.