
Weeraryahankan reer Argentine ayaa jilibka ka dhaawacmay kadib 13 daqiiqo markii ay socotay kulankii ugu horeeyey ee Premier League iyagoo la ciyaaray kooxda Southhampton Axadii la soo dhaafay, waxaana bareelo loogaga qaaday garoonka weeraryahnka.
Si kasta ha ahaatee, baaritaankii ugu dambeeyey ee lagu sameeyey ciyaaryahankan ayaa lagu ogaaday in uusan halis weyn ahayn dhaawaca soo gaaray waxana uu garoomada ka maqnaanayaa muddo bil ah, Aguero ayaa ku soo biirey City xaggaagii 2011 waxana uu ku bilowday si wanaagsan xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyey isagoo u saftay 34 kulan oo Premier League ah una dhaliyey kooxdiisa 23 gool.
Kulankiisii ugu wanaagsanaa ayaa ahaa midkii uu u dhaliyey goolkii guusha ee ay kooxda City ka gaareen kooxda QPR kulankii ugu dambeeyey ee xilli ciyaareedkii la soo dhaafay taasoo u sahashay City inay ku guuleysato horyaalka Premier League.