
Aguero ayaa dhaawac xun uu ka soo gaaray jilibkiisa midig ka dib markii ay kubad kuwada hardameen ciyaaryahanka Southampton Nathaniel Clyne guushii 3-2 ee ay kooxdiisa City gaartay.
Tababaraha kooxda City Roberto Mancini ayaa sheegay inuu ka walwalsanaa Aguero, isagoo u maleynayay in dhaawac halis ah uu soo gaaray, lakiin Aguero ayaa ku soo qoray bogiisa Twitter:
“Baaritaankii la igu sameeyay waxa ay cadeynayaan
inuusan jirin dhaawac weyn,
lakiin jug weyn ayay ku aheyd jilibkeyga.
“Berri (maanta) ayaa dhaqaatiirta ay qiimeyn doonaan xaaladeyda waxaana ay ii sheegi doonaa ilaa waqtiga aan soo kabsanayo.
“Ma hayo ereyo aan idinkaga mahadceliyo walwalka aad ii muujiseen, iyo taageeradiina, sida ugu dhaqsaha badan ayaan u soo kabsan doonaa”.