
Labada ciyaaryahan ayaa ka caawiyay Los Blancos inay ku guuleysato La Liga xilli ciyaareedkii hore, halka ciyaaryahankii hore ee Sevilla uu ka garab ciyaaray kabtanka Spain iyadoo ku guuleystay xagaagan koobka Euro 2012.
“Ma aqaan waxa lagu qiimeeyo marka loo codeynayo abaalmarintan. Waxa ugu fiican waxa ay noqon laheyd in kubad dahab ah lagu soo siiyo ciyaaryahan kasta oo ugu fiican booskiisa” ayuu 26 jirkaan u sheegay AS.
“Ma jirto sabab aanan abaalmarintaan u siineynin Casillas. Waxaa jira kaliya hal goolhaye oo ku guuleystay abaalmarinta 56dii sanno ee u danbeysay. Waxa ay qaadaneysaa sannado badan inaad cadeyso inaad tahay ciyaaryahanka ugu fiican adduunka”.
“Lakiin hadana waxaa jooga Cristiano. Waa ciyaaryahan natiijo keena, mana jiro qof isaga la mid ah. Ma aqaan sida loo qiimeeyo, sidaasi darted aniga ma ahi qofkii go’aansan lahaa”.