
Barca ayaa waxa ay 2-0 rigoorayaal ah uga badisey Manchester United kadib markii 90kii daqiiqo ee ciyaarta barbarro ku dhamaatay iyadoo kulankana uu ka dhacay Sweden. Balse kooxda Madrid ayaa 5-1 ugu awood sheegatay AC Milan kulan ka dhacay magaalada New York ee dalka Maraykanka.
Haddaba, waxa aan halkan ku eegeynaa waxa ay labada kooxood ka barteen kulamadan iyadoo toban maalmood ay ka harsan tahay bilowga horyaalka La Ligaha.
ALBA OO KU WANAAGSAN DAAFACA BIDIX EE BARCELONA
Jordi Alba ayaa markii ugu horeysey Arbacadii hore oo kaliya tababarka la qaatay Barca kadib markii uu ka soo qeybgalay tartankii Euro 2012 iyo Olympics.
Balse daaficii hore ee kooxda Valencia ayaa si dhaqso ah ay kooxdu u aamintay kulankii Man United isagoo dhowaan uun ku soo biirey naadiga mana qalbi jebin naadiga.
Alba ayaa bedelay Adriano iyadoo 25 ka dhiman tahay ciyaarta, laacibka ka soo qalin jebiyey La Masia waxa uu u muuqday mid aan ka tegin weligii kooxda Catalan, Alba isagoo weeraro qaadayay waxana uu soo dhigayay baasas ay Barca ku raadisey inay ku guuleysato.
Goolhayaasha Barca oo ah kuwo lagu aamini karo goolka
Ciyaar kubbad haysashada ay ahayd mid kooxda Barca ay ku wanaagsanayd, ayay hase ahaatee waxa ay ugu mahadcelineysaa goolhayaasheeda guushii ay kama dambayntii gaartay.
Victor Valdes ayaa gool ka badbaadiyey kooxda kadib markii Wayne Rooney uu rigoore u laaday kooxdiisa dhamaadkii qeybtii hore ee ciyaarta. Goolhayaha kale ee kooxda Barca Jose Pinto ayaa isna gool kale oo rigoore ah ka badbaadiyey kooxda iyadoo goolkana uu soo laaday Ashley Young kadib markii rigoorayaal la isla gaaray kulanka saaxibtinimo.
Pinto ayaa rikoorkiisa rigoorayaasha ee Catalans waxa uu yahay mid la yaab leh- waxa uu badbaadiyey 7 rigoore 20 rigoore oo uu wajahay iyadoo saddex kamid ahna aysan shabaqa gelin oo banaanka martay.
Labada goolhaye Valdes iyo Pinto ayaa la eedeeyey xilli ciyaareedkii la soo dhaafay hase yeeshee tan ayaa daliil u ah in goolka Barca ay ilaalinayaal goolhayaal wanaagsan xilli ciyaareedka 2012-13.
Weeraryahanka Di Maria Oo Aan La Celin Karin
Angel Di Maria ayaa marka uu kubbada lugta la helo waxa ay tahay mid iska cad waxa dhici doona, Di Maria ayaa weerarkiisa waxa uu noqday mid aan la celin karin isagoo hore u sii kaxeeya kubbada lana dhaafa daafacyada ka horimanaya. Wayna adag tahay sida loo raaco ciyaaryahankan. Taas ayaa waxaa laga arkay labadii kulan ee ugu dambaysay ee uu daafacyada AC Milan iyo MLS qalqal geliyey isla markaana goolal ka dhaliyey.
Waxana uu ku qasabay kulankii AC Milan in 7 ciyaaryahan ay daafac noqdaan isla markaana ay ku soo koobmaan afka hore ee goolka AC Milan.
KAKA oo saddex baas oo uu dhigey goolal laga dhigey�
Kaka waxa uu ciyaaraya nus saac isagoo ka hortagay kooxdiisii hore(iyo kooxda laga yaabo in mustaqbalka ku biiro). Waxana uu ahaa nin si wanaagsan u ciyaaray kulamadii tijaabada ahaa ee Maraykanka lagu ciyaaray.
Mana iska lumin waqti in uu Milan xusuusiyo waxa uu samayn karo. Shantii daqiiqo ee ugu horeysey ee uu ciyaarta soo galay isagoo bedeley Mezut Ozil labo jeer oo uu taabay ayaa mid waxa uu noqday mid gool ku dhalan gaaray halka kii labaadna uu baasay kubbad meel wanaagsan dhigey taasoo si sahlan uu Ronaldo gool ku dhaliyey.
Markii dambe koorno uu soo tuuray Kaka ayaa waxaa madaxa ku dhaliyey Sergio Ramos halka uu gool kale uu soo dhisayna uu dhaliyey Jose Callejon.
Inkastoo Kaka uu la kulmay dhibaatooyin ah in uusan kulamo badan safan ayaa hadana waxaa weli ka muuqda niyad wanaagsan.
SAHIN oo aan sii joogi doonin waqt dheer
Jose Mourinho ayaa waxaa uu sheegay marka wax laga weydiiyey mustaqbalka Nuri Sahin kadib kulankii Glaxy in ciyaaryahanka qadka dhexe ee Turkiga uu iska tegi karo hadduu doono. Isagoo loo tixgeliyo Sahin ciyaaryahanka shanaad ee qadka dhexe, waxana ay tahay hubaashii inuu koox kale raadsan doono.
Safarkii kooxda ee Maraykanka Sahin waxa uu ka ciyaaray daafac bidix si uu u nasiyo Fabio Coentrao maadaama uu Marcelo ku maqnaa tartanka Olympics.
Dhinaca qadka dhexe Sahin waxa uu ka dambeeyaa ciyaaryahanada kala ah Lass Diarra, Xabi Alonso, Sami Khedira iyo Esteban Granero. Haddii ay kooxda keensato Kula Modric waxa ay sii fogeyneysaa fursadiisa ah inuu ka helo boos kooxda Real Madrid.