
Kooxda heysata horyaalka Ingariiska ayaan weli wax ciyaaryahan ah ku soo kordhinin Etihad Stadium xagaagan, inkastoo ay socdaan warar xan ah oo la xiriirinaya daafaca Liverpool Daniel Agger iyo weeraryahanka Arsenal Robin van Persie.
Tababare Roberto Mancini ayaana si cad uga hadlay sida uu uga niyadjabsan yahay dhaqdhaqaaq la’aanta suuqa ee kooxdiisa, lakiin Mansour ayaa haatan kaga jawaabay in tababaraha City uu gabi ahaanba ku qanacsan yahay ciyaartoyda uu heysto, lakiin waxa uu si maldahan u sheegay inay jiri karaan ciyaaryahano lagu kordhiyo kooxda xagaagan.
“Waxa muhimka ah ayaa ah in la ilaaliyo guushii horyaalka islamarkaana aan sii wadno howshii fiicneyd ee aan qabanay xilli ciyaareedkii hore” ayuu yiri, sida ay qortay Daily Star.
“Waxaan kooxda ku taageeri doonaa ciyaaryahan ama ciyaaryahano”
“Lakiin taasi lama micno ah inay wax u dhimeyso awooda ciyaartoyda haatan oo uu gabi ahaanba ku qanacsan yahay tababaraha”.
Mansour ayaa iibsaday Manchester City 2008dii isagoo markaas ku qarashgareeyay suuqa kala iibsiga 400 milyan ginni, waxaana gudoomiyaha kooxda Khaldoon Al Mubarak uu sheegay sida uu milkiilaha ugu heelan yahay howshiisa.
“Sheikh Mansour marna ma uusan seegin hal daqiiqo oo kubada cagta ah xilli ciyaareedkii hore. Waxa uu daawaday kulanka kasta oo Premier League ah, koob kasta iyo ciyaar kasta oo Champions League aheyd”
“Xitaa mararka ciyaarta aan laga daawaneynin TV-ga waxaan raadin jirnay qaab isaga loogu baahiyo. Waa wax aan caadi aheyn – ciyaar ma dhaafto”.