
Kagawa, oo qandaraaskiisa kooxda Jarmalka uu ka harsan yahay hal sanno ayaa la xaqiijiyay inuusan heshiiska u kordhin doonin Dortmund, lakiin waxa uu carabka ku adkeeyay inuu si adag u fekeri doono ka hor inta uusan go’aan ka qaadan mustaqbalkiisa.
Red Devils ayaa u muuqata inay ugu cadcadahay inay heshiis la saxiixato ciyaaryahanka reer Japan kaasoo xaqiijiyay inuu isbuucaan kulan fool ka fool ah la yeeshay Sir Alex Ferguson.
23 jirkaan ayaa yiri, sida ay qortay Sky Sports: “Waxa ay aheyd wax fiican inaan awoodo inaan si fool ka fool ah u la kulmo islamarkaana aan la hadlo Sir Alex Ferguson”
“Hadalo fiican ayuu igula hadlay” ayuu yiri Kagawa markii wax laga weydiiyay kulankii dhexmaray, lakiin waxa uu diiday inuu banaanka soo dhigo wixii ay kawada hadleen.
Kagawa, oo u dhaliyay 17 gool xilli ciyaareedkan Dortmund ayaa waxaa sidoo kale lala xiriiriyay kooxo ay ku jiraan Arsenal, Chelsea iyo AC Milan.
“Waxaan doonayaa inaan si aad ah u fekero ka hor inta aan go’aan qaadanin” ayuu hadalkiisa raaciyay.
“Waxaan doonayaa inaan xusho koox aan ka helayo inaan tartami karo”.