
Horyaalka waxaa ku guuleysatay Manchester City, waxaana ay Champions League si toos ah u wada tagi doonaan Manchester United iyo Arsenal oo kaalimaha labaad iyo seddexaad ku dhameystay.
Tottenham oo afaraad ku dhameysatay lama hubo inay Champions League ka ciyaari doonto sababtoo ah waxa ay ku xiran tahay hadii Chelsea ay ku guuleysato Champions League 19ka bishaan markaas Blues ayaa booska afaraad buuxin doonta Tottenham waxa ay ka qeybgeli doontaa Europa League.
Dhanka Europa League waxaa u soo baxay Newcastle oo kaalinta 5aad ee horyaalka ku dhameysatay, Liverpool oo ku guuleysatay Carling Cup iyo Chelsea oo qaaday FA Cup, lakiin Chelsea waxaa laga yaabaa inay Champions League ka ciyaarto hadii ay qaado koobka 19ka bishaan May.
Waxaa heerka labaad u laabtay kooxaha kala ah Bolton, Blackburn iyo Wolves.
Markaana Italy:
Horyaalka waxaa qaaday Juventus waxaan ay Champions League si toos ah u wada tagi doonaan kooxda kaalinta labaad ee AC Milan.
Udinese oo kaalinta seddexaad soo gashay ayaa aadi doonta isreebreebka koobka Champions League.
Kooxaha Napoli iyo Lazio oo ku dhameystay horyaalka kaalimaha afaraad iyo shanaad waxa ay si toos ah uga qeybgeli doonaan Europa League, halka Inter Milan ay ciyaari doonto isreebreebka koobka Europa League madaama ay kaalinta 6aad ku dhameysatay xilli ciyaareedkan.
Waxaa heerka labaad u laabtay Lecce, Novara iyo Cesena.
Markaana Spain:
Horyaalka waxaa qaaday kooxda Real Madrid waxaana ay Champions League si toos ah u wada tagi doonaan kooxaha kaalimaha labaad iyo seddexaad ee Barcelona iyo Valencia, halka kooxda Malaga oo kaalinta 4aad ku dhameysatay ay ka qeybgeli doonto isreebreebka Champions League.
Atletico Madrid iyo Levante oo kaalimaha 5aad iyo lixaad ku dhameystay waxa ay si toos ah uga qeybgeli doonaan koobka Europa League.
Halka Athletic Bilbao ay ka soo geli doonta Europa League Copa del Rey.
Waxaa heerka labaad u laabtay Villarreal, Sporting Gijon iyo Racing Santander.
Markaana Jarmalka:
Waxaa horyaalka qaaday Borussia Dortmund waxaana ay Champions League si toos ah u wada tagi doonaan kooxaha Bayern Munich iyo Schalke 04, halka kooxda kaalinta 4aad ee Borussia Monchengladbach ay ka qeyb geli doonto isreebreebka Champions League.
Waxaa Europa League ka ciyaari doona Bayer Leverkusen, Stuttgart iyo Hanover.
Waxaa heerka labaad u laabtay Kaiserslautern iyo Cologne, halka Hertha Berlin ay ciyaari doonto Play off ay nafteeda Bundesliga ku badbaadiso.