
FantAntonio ayaa u dhaqaaqay Inter isagoo qeyb ka ahaa heshiis ay Rossoneri kula soo wareegtay Giampaolo Pazzini oo sidoo kale ay ku sii dareen 7 milyan euro.
“Taageerayaashiinan Interisti waad ka shalaayi doontaan inaad naga qaadateen Cassano. Waqti dheer kuma qaadan doonto inuu dhibaato ka dhex abuuro qolka labiska.” ayuu yiri Berlusconi.
Hadalka Berlusconi ayaa laga soo xigtay Il Fatto Quotidiano, kuwaasoo sheegtay inay maqleen Berlusconi oo kala sheekeysanaya magistrate Ingroia.
Marnaba si cad looma qeexin sababtii uu Cassano u dalbaday in la iibiyo, lakiin waxa uu weerar ku qaaday madaxweyne ku xigeen Adriano Galliano markii Inter ay u soo bandhigeysay saxaafada.