
Goolhayaha reer Spain ayaa waxaa goolka ka bedelay Anders Lindegaard, iyadoo Red Devils ay si ciriiri ah 3-2 kaga badisay kooxda Southampton.
Waxaana tababaraha reer Scotland uu xaqiijiyay ciyaarta ka dib in qaladkii uu De Gea ku sameeyay kulankii Fulham inay u keentay inuu booskiisa waayo goolhayihii hore ee Atletico Madrid.
“Waxaan qabaa David-ka da’da yar inuu qalad sameeyay isbuucii hore, waana uu ogyahay” ayuu Sir Alex u sheegay Sky Sports a dib guushii ay ka gaareen Southampton.
“Qaab ciyaareedka uu ku jiro, waxa uu sameynayaa badbaadin fantastik ah, lakiin hal qalad oo sidaas oo kale waxa ay inoo aqoonsan laheyd ciyaarta.
“Weli waxa uu ku jira waxbarasho, waxaana uu soo laaban doonaa labo isbuuc ka dib ciyaaraha caalamiga.
“Anders waxa uu ciyaaray kulankiisii ugu horeeyay. Mararka qaar waxaa ka muuqday isku dhex yaac. Mana u maleynayo inay dhibaato weyn tahay, lakiin waa wax aan u baahanahay inaan xalino.”