
Sportsmail ayaa waxa ay qortey in Arsenal ay rajaynayso in dalab kale uu kaga yimaado Man United kadib kulanka labada tababare.
Warar ayaa sheegaya in heshiis laga gaari doono kahor inta uusan bilaaban xilli ciyaareedkan weeraryahanka 30ka gool u dhaliyey kooxdiisa hal xilli ciyaareed kuna guuleystey kabaha dahabka.
Waxaa la fahamsan yahay in Arsenal tababaraheeda uu ku celiyey mar kale in uu san weeraryahanka 29jirka ah aysan ku dhiibi doonin wax ka yar £30million balse Gunners ayaaa dhagaysan doonta beec ka bilaabanaya £20million.
Farogelinta shaqsi ahaaneed ee ferguson ee ah doonitaanka United ee Van Persie ayaa waxaa ay ka dhigan tahay sida kooxda ay ugaga go’an tahay in ay hesho xilli ciyaareedkan weeraryahanka reer Holland.
Si kasta ha ahaatee,kooxda Old Trafford ayaan diyaar u ahayn in ay bixiso dalabka kooxda Arsenal taasoo shaki badan gelinaysa sidii ciyaaryahankan uu dhinacooda ugu soo wareegi lahaa.
Ku biirida Old Trafford ee Van Persie ayaa ah hadda mid dhici karta maadaama ay kooxaha Man City iyo Juventus ay ka hareen doonitaankooda laacibkan. Sidoo kale Wenger ayaa waxaa mar kale soo wajahaya in mid ka mid ah xiddigaha kooxdiisa laga yaabo inuu ka tago kuna biiro kooxda Barcelona waana Alex Song.