
United ayaa muddo dheer lala xiriirinayay 19 jirkaan, si kastaba waxa uu ogolaaday heshiis uu ugu biirayo kooxda lacagta badan ee Faransiiska isagoo saxiixay heshiis afar sanno ah , waxaana ay Sao Paulo ku heshay xiddigeeda 45 milyan euro.
PSG ayaa saxiixyo kale oo qaali ah sameysay xagaagan, iyagoo soo iibsaday Thiago Silva, Zlatan Ibrahimovic iyo Ezequiel Lavezzi waxaana ay indhaha ku hayaan horyaalkoodii ugu horeeyay ee Ligue 1 tan iyo 1994kii
Ferguson ayaa aaminsan in lacagta ay suuqa ku shubeyso PSG inay wax u dhimeyso kubada cagta, si kastaba waxa uu ka digay in kooxda Faransiiska ay haatan tahay in laga baqo madaama ay noqdeen awood ku soo koradhay kubada cagta Yurub.
Waxa uu u sheegay website-ka kooxdiisa: “Waxa ay ila tahay la yaab in koox ay ka bixin karto 45 milyan euro 19 jir”.
“Si ay wax u calamaadeystaan oo ay ugu sheegaan in PSG ay timid, waxa ay la soo saxiixdeen Thiago Silva iyo Zlatan Ibrahimovic.
“Waxa ay qarashgeyeen bishii hore 150 milyan ginni. Sida aad ogtahay cida kaliya ay dhibeyso waa UEFA”.
“Sharuudaha kubada cagta yurub, uma soo baxeysid koobab yurub inaad ku guuleysato horyaalka ama aad kaalinta labaad soo gasho - kaliya waxaad ku imaaneysaa martiqaad”.
“Waana halka aan rajeyneyno in UEFA ay awood isticmaasho. Marka aad aragto qof 45 milyan euro ka bixinaya 19 jir, waa inaad dhahdaa ciyaarta waa waalatay”.