
Weeraryahanka reer Portugal ayaa si la yaab leh labo sanno ka hor ugu soo biiray United lakiin waxa uu ku dhibtooday inuu saameyn ku yeesho sannadkiisii ugu horeeyay Old Trafford ka hor inta uusan amaah ugu biirin kooxda Turkiga ee Besiktas xilli ciyaareedkii hore halkaasoo dhaawac uu ka soo gaaray.
Si kastaba, ciyaaryahanka aya saftay kulankii saaxiibtinimo ee United ay la ciyaartay Ajax Cape Town isagoo dhaliyay goolkii barbaraha ee soo daahay ee ciyaartii ku dhamaatay 1-1.
Ferguson ayaa yiri ciyaarta ka dib: “Waan arki doonaa sida uu horumar u sameeyo xilli ciyaareedka, lakiin waxa ay igu rideysaa madax xanuun marka laga hadlaayo tiarada weeraryahano ee aan heysano. Lakiin taasi wax xun ma ahan”
“Waxa uu amaah ku tagay Besiktas, ka dibna waxa soo gaaray dhaawac xun oo xilli ciyaareedka intiisa badan u diiday inuu ciyaaro”.
“Ciyaartaan waa ciyaartiisii ugu horeysay ee muddo sideed bilood ah, sidaasi darted waa uu ku faraxsan yahay inuu garoomada ku soo laabto iyo inuu gool dhaliyo”.