
Van Persie ayaa bedel ku soo galay kulankiiisii ugu horeeyay, lakiin waxa uu ku guuldareystay xitaa inuu helo kubad goolka ku aadan, iyadoo kooxda martida aheyd ay ku adkeyd inay dhaafaan Everton oo si aad ah u shaqeyneysay.
“In badan ayaan kubada ku wareejineynay agagaarkiisa, ma aanan soo bandhigin weerar gudaha u sii gala daafaca Everton” ayuu Ferguson u sheegay Sky Sports.
“Iyadoo Robin uu kooxdaada ku jiro waxaad ogtahay inaad u baahan tahay inaad awoodiisa isticmaasho, waxaana uu ku fiican yahay sida looga hortago daafacyada dhexe, lakiin sidii la rabay uma aanan isticmaalin isaga”
Ferguson ayaa daafac dhexe ka ciyaarsiiyay Michael Carrick iyo daafac midig oo uu ka ciyaarsiiyay Valencia, iyadoo Phil Jones, Chris Smalling, Rio Ferdinand iyo Jonny Evans ay dhaawacyo ku maqnaayeen, lakiin waxa uu diiday inuu dhaleeceeyo inkastoo ay ku dhibtoonayeen inay celiyaan Fellaini.
e to edit.