
Xulka Talyaaniga oo si fiican isagu xiranaa, ayaa Spain u diiday inay ka shaqeysiiyaan kubadooda baaska ku dhisan, waxaana madaxdooda iyo ciyaartoydooda ay durbadiiba ciyaarta ka dib ay barbaraha ku eedeeyeen inay sabab u aheyd cawska oo qalalnaa darteed.
“Garoon cawskiisa qalalan yahay waxba uma qabaneyso kubada ama taageerayaasha” ayuu tababaraha Spain u sheegay saxaafada ka dib markii ay soo dhamaatay ciyaarta, isagoo sidoo kale amaanay qaab ciyaareedka Italy.
“Hadii garoonka uu ahaan lahaa mid ay kubada si dhaqso ah ugu socon karto, waxa ay u fiicnaan laheyd labada kooxood, ciyaar tan ka fiican ayaana dhici laheyd”.
Spain ayaa u baahneyd goolkii barbaraha ee Cesc Fabregas ee daqiiqadii 64aad si ay uga badbaadaan goolkii Antonio Di Natale uu hogaanka ugu dhiibay afar daqiiqo ka hor Italy.
“Ma doonayo inaan cawdo, lakiin waxaan u qalanay wax ka badan intaan. Ma ahan wax la aqbali karo inaan ku ciyaarno garoon sidaan oo kale ah”.
“Waxa ay aheyd ciyaar aad u adag, ciyaarta ugu adag Group-ka waxaana ka soo horjeednay xul adag”.
Fernando Torres iyo Andres Iniesta ayaa iyagana ku raacay eedeyntooda la xiriirta in ciyaarta ay wax u dhintay cawska garoonka oo qalalnaa darteed.