
Uruguay ayay u tahay markii ugu horeysay ee ay abid soo gaaraan kaalinta labaad kala sareynta qiimeynta bilaha FIFA. Jarmalka oo kaalinta labaad ka dhacay ayaa u degay kaalinta seddexaad, halka Netherlands ay weli ku jirto kaalinta afaraad.
Argentina ayaa labo darajo kor u soo kacday iyadoo soo gashay kaalinta todobaad, halka Brazil iyo England ay min hal darajo kor u soo kaceen iyagoo ku kala jira kaalimaha shanaad iyo lixaad.
Xulka Portugal ayaa si weyn hoos ugu dhacay, waxa ay ka dhaceen kaalinta 5aad iyagoo u dhacay kaalinta 10aad, ka dib markii ay guulo gaari waayeen seddexdii kulan ee ugu danbeysay.
Kala sareynta qiimeynta bisha May ee FIFA: (Numberada qaansada ku dhex jira waa qiimeyntii bishii hore).
1. (1) Spain
2. (3) Uruguay
3. (2) Germany
4. (4) Netherlands
5. (6) Brazil
6. (7) England
7. (9) Argentina
8. (8) Croatia
9. (10) Denmark
10. (5) Portugal
Xulka dalkeena Soomaaliya waxa uu weli ku jiraa kaalinta 191aad, waxaana ay ka sareeyaan dalalka ay ka mid yihiin Jabuuti oo ku jirta 197, Kyrgyzstan oo ku jirta 196, Andorra oo ku jirta 199, Mauritania oo ku jirta 203 iyo San Marino oo ku jirta 206.