
dagaalamay guul 1-0 ah oo ay ka gaareen xulka China oo marti ugu ahaa Seville
xalayto.
Xulka uu hogaamiyo Jose Antonio Camacho ee China ayaa ciyaarta inteeda badan la
dagaalamay Spain, iyadoo goolhaye Zeng Cheng uu badbaadiyay fursado fantastik
ah.
Si kastaba Andres Iniesta oo bedel ku soo galay qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa wax
ka bedelay ciyaarta isagoo kubad la soo dhexmaray ciyaartoyda xulka China ka hor
inta uusan u dhigin baas David Silva kaasoo shabaqa ku hubsaday ciyaarta oo lix
daqiiqo ay dhiman tahay.
Spain waxa ay haatan aadi doonaan koobka Euro 2012, iyadoo xulka difaacanaya koobkaan
ay ciyaartooda ugu horeysa axada soo socota la ciyaari doonaan xulka Italy.