
Ciyaaryahanka ku jira xulka Italy ee da’dooda ka hooseyso 21 jirada ayaa San Siro yimid 12 bilood ka hor iyadoo ay wada lahaayeen Milan iyo Genoa, lakiin Milan ayaa wada iibsatay ciyaaryahanka xagaagan.
Ka dib bixitaankii xiddiga weerarka ka ciyaara Zlaran Ibrahimovic, Milan ayaa haatan heshiis cusub ka saxiixday El Shaarawy.
“AC Milan waxa u ku dhawaaqeysaa inay heshiiska u kordhisay Stephan El Shaarawy ilaa 30ka June 2017” ayaa lagu yiri warbixin la soo dhigay website-ka Milan.
19 jirkaan oo hooyadiis ay Talyaani tahay aabihiisna uu Masaari yahay ayaa dhaliyay labo gool 22 kulan Serie A oo uu saftay xilli ciyaareedkii hore.