Kabtanka kooxda Liverpool ayaa kabtanimada ka bedeli doona John Terry oo xiriirka kubada cagta Ingariiska ay ka qaadeen ka dib markii lagu eedeeyay inuu cunsurinimo kula kacay Anton Ferdinand, eedeyntaas oo uu beeniyay balse maxkamad loo soo taagi doono bisha July.
Tababaraha cusub ee xulka England ayaa tan iyo intii la magacaabay ka fekerayay cidii uu kabtanka xulka England u dhiibilahaa ciyaaraha Euro 2012, waxaana uu u doortay xiddiga kooxda Liverpool Steven Gerrard.
Gerrard ayaa England ku hogaamiyay isagoo kabtan koobkii adduunka ee 2010, kaasoo England aysan ka gaarin halkii ay haminayeen.