
Labada kooxood ayaa ku kulmaya Anfiled iyadoo xaalada dareen ay aad u kacsan tahay ka dib markii tiro yar oo ka mid ah taageerayaasha United ay ku heeseen hadalo xun xun oo ka dhan ah Liverpool iyo musiibadii ku dhacday taageerayaashooda ee Hillsbrough ee ay ku dhinteen 96 taageerayaal Reds ah kulankii sabtida ay ku yeesheen Old Trafford, waxaana sidoo kale ay dib isku soo xusuusiyeen colaada ka dhaxeysay Suarez iyo Evra.
Madaxa kooxda United David Gill ayaa isbuucaan wadahadalo la yeelan doona dhigiisa Liverpool Ian Ayre si ay u hubiyaan in kulankaan uu u dhaco si aan qalalaase ku jirin. Waxaana Liverpool ay u sheegi doontaa Suarez inuu gacan qaado Evra, waxaana ay xilligaan kalsooni ku qabaan inuu u hogaansami doono, oo uusan sameynin sidii xilli ciyaareedkii hore oo uu diiday inuu salaamo.
Labada kooxoodna midkood ma doonayo inay dhacaan waxyaabo dhaawaci kara kubada cagta Ingariiska, waxayna ku jiraan feejignaan sarre, ka dib markii Manchester United ay dhaleeceysay taageerayaasheedii heesaha xun xun ee Liverpool looga soo horjeedo qaaday kulankii ay sabtidii ka badiyeen Wigan.
FA-ga ayaa ku farxay sida ay jawaab uga bixisay United, mana soo farogelin doonaan, halka Premier League ayaa iyaga sheegeen inaysan wax talaabo ah oo la xiriirta heesahaas aysan qaadi doonin madaama United ay dhaleeceysay falkii ay ku kaceen taageerayaashooda.
Waxaa la dareensan yahay in Gill iyo Ayre ay wada hadli doonaan bilowga isbuucaan si loo yareeyo xaalada kacsan islamarkaana xushmad si wada jir ah loogu muujiyo 96dii ku dhimatay musiibadii Isboorti ee Hillsboroug 23 sanno ka hor.
In daqiiqad loo aamuso ayaa ah waxa ay jeclaan lahaayeen inay sameeyeen ka hor ciyaarta, lakiin waxaa macquul ah in lagu bedelo daqiiqad sacabatun ah, si loo yareeyo fursada ay ku qasi karaan aamusnaanta taageerayaasha qaar.