
Qeybo ka mid ah Warsaw ayaa noqday meel uu dhiig badan ku baxay, iyadoo taageerayaasha Poland iyo Russia ay isku dhaceen ka hor kulankii barbaraha 1-1 ku dhamaaday ee Group A.
Ilaa iyo in ka badan 100 ruux ayaa la xiray, iyadoo taageerayaal badan dhaawac loo geystay, waxaana boliiska ay isku dayeen inay kala saraan labada taageere ee isku dhacay.
Poland iyo Russia ayaa la filayay in kulankooda uu noqon doono mid qalalaase wata marka la fiiriyo taariikhda ka dhaxeysa labada dal. Waxaana xaalada sii xumeeyay iyadoo shalayto ay ku beegneyd Maalinta Russia, waxaana taageerayaasha martid aaha ay isagu soo uruureen bartamaha Warsaw, lakiin waxaa ka tiro badnaa kuwa Poland, iyadoo ilaa iyo 6 kun boliis ah la geeyay goobta si loo kala dhiciyo.
Waxaana dhacdadaani ay waji gabax ku noqoneysaa martigeliyayaasha Euro 2012, iyadoo lakiin ciyaarta ay ku dhamaatay si caadi ah islamarkaana labada kooxood ay ku kala baxeen barbaro hal iyo hal ah.