
Tababaraha reer Portugal ayaa la duldhigay ka dib dhacdadaas labo kulan oo ganaax ah, halka Vilanova isaga laftiisa la ganaaxay hal kulan madaama uu qeyb ka ahaa isqabqabsigii dhacay markaas.
Si kastaba, xiriirka Spain oo loo yaqaano RFEF ayaa ku dhawaaqay inay cafiyeen ganaaxyadii la sameeyay xilli ciyaareedkii hore oo dhan.
Go’aankaas ayaase ka daadegi waayay Barcelona iyo taageerayaasheeda, iyadoo lix urur oo ay leeyihiin taageerayaasha Barcelona ay ka soo saareen bayaan u qornaa sida tan:
1) Waa wax aan la aqbali Karin in weerarkii lagu qaaday Vilanova inuu noqdo mid ciqaab la’aan ah.
2) Waa wax aan loo dulqaadan Karin in kooxda ay aqbashay go’aanka RFEF.
3) Waa howsha madaxda kooxood inay talaabo arintaan ka dhan ah qaadaan.
4) Talabaadaas waxa ay noqon kartaa in garoonka la soo geliyo Barcelona B si loo muujiyo mudahaaraadka go’aanka RFEF.
Lugta koowaad ee Spanish Supercoa waxa ay ka dhici doontaa Camp Nou 21ka bisha August.