
Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa qalad ku lahaa goolkii barbaraha ee kooxda Talyaaniga, isagoo baas uu qalday u ogolaatay Fabio Quagliarella inuu seddex dhibcood ka beeniyo Blues kulankoodii ugu horeysay ee Champions League xilli ciyaareedkan.
Qaladkaas ayaa keenay in dhowr taageerayaal ah ay hadalo aad u xun oo cunsurinimo ah ay ku weeraraan ciyaaryahanka reer Nigeria iyagoo u adeegsanaya Twitter, waana wax kooxda ka dhisan Galbeedka London ay canbaareysay.
Chelsea ayaa ku soo qortay bogeeda rasmiga ee Twitter:
“Afalgaada la isagu geysto mareegaha bulshada waa mamnuuc. In Tweet-yo cunsurinimo ah loo qoro Mikel gabi ahaanba waa wax aan la aqbali karin. Boliiska ayaa la wargeliyay.”
Mikel ayaa raaligelin ka bixiyay qaladkaas uu sameeyay shalayto, isagoo sheegay inuu eeda ku leeyahay baaska uu qalday iyo difaacasho la’aanta kubadii uu dhiibtay.