
Tababaraha Rossoneri ayaa ku biiri doono Kevin Pricne-Boateng iyo Cristian Zapata oo tarabuunka saaran kadib markii ay qaateen calaamada casaanka ah kulankii Udinese ee ka dhacay Stadio Friuli. Saddexdoodaba waxa ay seegi doonaan kulanka soo socda ee ay la ciyaari doonto kooxda AC Milan naadiga Cagliari ee Arbacada ka dhici doona garoonka San Siro.
� 45-jirkaan ayaa aaminsan inaysan ahayn in la ganaaxo maadaama waxa uu sameeyey ay ahayd oo kaliya inuu u tilmaamo garsooraha qalad farsamo oo uu sameeyay.
“Waan la yaabay,”ayuu yiri tababaraha wareysi ay la yeelatay Sky Sport 24. “Wax baan weydiiyey garsooraha, laakiin marnaba ma dhihin hadal xum ama aflagaado.” ayuu sii raaciyey Allegri,
Milan ayaa hore ugu dhowaaqday in ay racfaan ka qaadan doonto go’aankan iyadoo kooxda rajaynaysa in Allegri oo ay haysato dhibaato ah guuldaroyin uu kala kulmay kulamadii ugu horeeyey ee horyaalkan dhowaan bilowday uuna u soo fariisto kursiga keydka.