De Boer ayaa lala xiriiriyay shaqada Anfield ka dib markii Kenny Dalglish la ceyriyay isbuucii hore, markii ay Liverpool ku dhameysatay horyaalka meeshii ugu xumeyd muddo 18 sanno ah.
Lakiin 42 jirkaan reer Holland, oo labo horyaal oo isku xigta ku hogaamiyay Ajax, ayaa sheegay in weli shaqo aan dhamaan ay ka taalo Amsderdam ka dib markii uu Ajax tababare u noqday 2010kii.
“Shafar ayay ii tahay in la ii soo codsado, lakiin haatan uun ayaan bilaabayaa shaqadeyda Ajax” ayuu De Boer u sheegay wargeyska Netherlands ka soo baxa ee De Telegraaf.
“Waxaan ku soconaa wado cusub, anaga iyo kooxda iyo Wim Jonk iyo Dennis Bergkamp, oo ah asxaabteyda aan isla shaqeyno, waxaana doonayaa inaan wax fiican keeno Ajax”.
“Waana sababta aan weli daacad ugu noqonayo Ajax sannadaha soo socda”.
Iska diiditaanka De Boer ee shaqada Liverpool ayaa imaaneysa ka dib markii tababaraha Swansea Brendan Rodgers uu isna iska saaray musharaxiinta shaqadaas isbuucii hore.
Reds ayaa weli gacanta ku heysa liiska musharaxiin kale oo ay ku jiraan tababarihii hore ee Chelsea Andre Villas-Boas iyo tababaraha Wigan Roberto Martinez.