
Xiddiga reer Ivory Coast oo 34 jir ah ayaa kulankii semi-finalka ee Blues ay ka gudubtay Barcelona cadeeyay inuu weli yahay mid ka mid ah gooldhaliyayaasha laga baqo kubada cagta.
Heynckes ayaa uga digay daafacyadiisa inay diirada saaraan islamarkaana iska caabin muujiyaan wax walba oo uga yimaado xiddigii hore ee Marseille.
“Drogba muddo sannado ahba waxa uu ahaa mid ka mid ah weeraryahanada ugu sareeya Premier League, waana nin halis ah, waxa uu gooldhalin karaa xilli walba” ayuu tababarahan 67 jirka ah u sheegay suxufiyiinta xilli uu qabanayay shirkiisa jaraa’id ee ka horeeya ciyaarta finalka.
“Mararka qaar waa uu ka badbadiyaa waxoogaa. Mararka qaar waa jilaa aan caadi aheyn”.
Drogba ayaa lagu eedeeyay kulankii lugta hore ee semi-finalkii Champions League ee Barcelona inuu istuurtuurayay si uu u helo bulisiyoon.