
Vicente del Bosque ayaa waxa uu hore u sheegay in ay adag tahay in la yiraahdo xulka La Roja waa kan ugu fiican caalamka. Balse tababaraha Brazil ayaan taaas shaki gelin isagoo la meel dhigey xulka Spain xulkii la yaabka lahaa ee dalka Brazil soo maray sanadkii 1970kii.
“Maanta, isku heer ma nihin Spain,” Menezes ayaa ka sheegay wareysi ay la yeelatay Marca. “Illaa iyo maanta cidna ma awoodo in ay gaarto heerka Spain.
Xulka Spain oo ku guuleystay saddexdii tartan ee caalami ah ee ugu dambeeyey ee ay ka qeybgaleen ayaa ka mid ah kuwa loo saadaalinayo inay ku guuleystaan koobka adduunka ee 2014, hase ahaatee Brazil oo tartankan martigelineysa ayaa laga yaabaa inay halis geliyaan xulka Spain.
“Waa waayoaragnimo wanaagsan, waxaan ku noolnahay meel duufaan ay ka dhacayso,”ayuu yiri Menezes. “Waxaan dhisayaa koox kubbada cagta aad looga jecel yahay, sidaa ayaan marwalba waxaan u dhexeeyaa jaceyl iyo naceyb.
“Waqtiga ayaa aad noogu yar si aan u dhisno koox la tartami karta kooxaha ugu heerka sareeya, balse waan ku kalsoonahay in aan horumar samaynayno.”
Tababarihii hore ee Corinthians ayaa ka hadlay sidoo kale fikirka uu ka qabo Kaka kaasoo dib loogu yeeray Selacao inkastoo waqti kooban uu u ciyaaray kooxdiisa Real Madrid.
“Kaka weli waa laga baqaa. Waxaan u malaynayaa inuu si wanaagsan ugu dhex milmi karo kooxdeena u badan da’ yarta kuwaasoo qaar ka mid ah aysan si wanaagsan u qaangaarin. Waan u yeerayaa si uu si wanaagsan ugu ciyaaro xulka dalkiisa haddii xitaa aysan Real Madrid aysan ciyaarsiin kulamo badan.