
Suarez ayaa xilli ciyaareedkii hore lagu ganaaxay sideed kulan markii uu cunsurinimo kula kacay Patrice Evra, taasoo u muuqatay inay sababi karto inuu Anfield ka tago, inkastoo uu soo bandhigay qaab ciyaareed wanaagsan islamarkaana uu dhaliyay 17 gool xilli ciyaareedkii 2011-12.
Lakiin imaanshihiya Rodgers ayaa haatan bedeshay wax walba.
Ilo ku dhow xiddiga reer Uruguay ayaa u sheegay wargeyska The Sun: “Waxaa loo maleynayay in Juventus ay ku soo dalbaneyso 16 milyan ginni ama inay isku dayayso inay lacag kaash ah iyo ciyaaryahan midkood Eljero Elia ama Milos Krasic ku soo dalbaneyso”.
“Lakiin Rodgers ayaa la hadlay Luis waxaana uu siiyay kalsooni buuxda, waxa uu u sharaxay qorshahiisa cusub iyo doorka uu Suarez ka ciyaarayo. Luis-na wax walba waa uu aqbalay”.